
Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu daadiyay Ciidamo kala duwan oo Booliis iyo Militari isugu jira si looga hortago Muddaharaadyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Laascaanood.
Maamulka Gobolka Sool u qaabilsan Somaliland ayaa ciidamo dheeriya ku daadiyay Xaafadaha Magaalada kadib markii sida la sheegayo ay ka war heleen in ay qorshaysan yihiin Muddaharaadyo looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti.
Magaalada Buuhoodle ayaa waxa Iyana shalay ka dhacay Muddaharaad looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaas oo lagu muujinayay in Dadka Reer SSC aysan cidna ku matalin Shirka sidaas darteedn wixii ka soo baxa uusan khusayn.
Sidoo kale Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee Sanaag iyo Haylaan waxa ka dhacay Kulamo kala duwan oo lagu diiddanyahay Shirka Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda Waddanka Jabuuti maadaama Degaannadaas aysan cidna ku metelin Shirka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.