Ururka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay Shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga socda waddanka Djibouti waxaan ay ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed.
“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub.
Sidoo kale Midowga Yurub wuxuu bogaadiyay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay ka go’antahay sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan Nabbada.
Bayaanka Midowga Yurub ayaa intaas ku daray in sii wadida wada-hadalladaas oo aan ku jirin wax car-qaladeeya ay tahay habka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo hormar waara
PUNTLAND POST