Ilhaan Cumar aabaheed oo geeriyooday

Nuur Cumar Maxamed oo ahaa aabaha Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa xaqiijisay geerida aabaheed, waxayna qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku tiri “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Murugo iyo xanuun weyn ayay ii tahay in aan sagootiyo Aabahay Nuur Cumar Maxamed. Ereyo laguma sharixikaro qiimaha uu iigu fadhiyay aabahay aniga, intii taqaanay iyo intii jeclaydba”.

Allaha u naxariistee Nuur Cumar wuxuu ahaa 67 sano jir, waxaana isaga iyo gabadhiisa Ilhaan Mareykanka galeen iyagoo qaxooti ah 1995, markii ay ka yimaadeen Soomaaliya xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ma sheegin waxa uu aabaheed u geeriyooday, basle warar soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu u geeriyooday dhibaatooyin la xiriira cudurka COVID-19.

Covid-19 ayaa ku dhacay 2.1 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka wuxuuna dilay in ka badan 116,000 oo qof, sida lagu sheegay tirakoob ay soo diyaarisay Jaamacadda Johns Hopkins.

PUNTLAND POST