Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyey wada-hadalada u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socda waddanka Jabuuti.
Waxaa sidaasi lagu shaaciyay, War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD) iyo Qaramada Midoobay.
“Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka waxay soo dhoweynayaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wadahadalkaas oo uu martigeliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, uuna ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali. Waxaan bogaadinaynaa taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka
Beesha Caalamku, waxay sidoo kale Kulanka labada dhinac ku tilmaaneen tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xiriirka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaana ay guddiga farsamada ee labada dhinac ku dhiirr-geliyeen, in ay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda.
PUNTLAND POST