Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ka digay in Fidno laga abuuro Boosaaso

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoorre, oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, lagana soo doorto Gobolka Sanaag, ayaa hanjabaad kulul Hawada u mariyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo uu ku eedeeyay in uu Fidno ka wado Magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Dhoorre, oo ka soo jeeda mid kamid ah Beelaha deggan Gobollada Bari iyo Sanaag, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland uu Faraha kula jiro Shaqada Maayirka Magaalada Boosaaso, islamarkaana uu doonayo in si qaldan loo qaybiyo Afarta Waaxood ee Boosaaso.

Mudane Dhoorre, wuxuu sheegay in la yaqaan sida Dadka Boosaaso u kala deggan yihiin, sidaas darteedna ay tahay in Wasiir Dhabancad ixtiraamo Degmo kasta Dadka deggan, haddii kalena wixii ka yimaada uu mas’uuliyadeed qaadan doono.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Afarta Waaxood ee Boosaaso loo qaybiyay, haddana loo magacaabay afar mas’uul, balse sida uu sheegay aan Warbaahinta loo soo bandhigin, inkastoo uusan xusin cidda magacowday mas’uuliyiintaas.

PUNTLAND POST