Villa Somalia oo Shirka Jabuuti ka socda ku tilmaantay mid Dhab u-Heshiisiin

Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir Dhab u-Heshiisiin ku tilmaamay Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee ka socda Waddanka Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Shirkaasi u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland  uu muhiim u yahay Hormarka Nabadda iyo Midnimada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in Shirka Jabuuti ka socda lagu xallinayo Tabashooyinka ay Somaliland qabto inkastoo aan la faahfaahin Tabashooyinkaas.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale u mahadcelisay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ku bogaadisay in uu mar kasta martigeliyo Shirarka Dib u-Heshiisiinta Soomaaliya sida Shirkii Dib u-Heshiisiinta CARTA.

PUNTLAND POST