Muuse Biixi: Wixii Soomaali dan u ah oo aan ka fursan wayno waan samayn

Wejigii labad ee Wada-xaajoodka u dhaxeeya dowladda Federaalka  Soomaliya iyo maamulka Somalilamd ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaa maalintii labaad galay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo arrima Wax ku ool ah ka soo baxaan.

Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

 “Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa”.

Hoos ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST