Maxay yihiin Guddiga farsamo ee loo xilsaaray wadahadalada DFS iyo Somaliland?

Shirka dalka Jabuuti uga socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa galay maalintii labaad.

Shirka waxaa maanta lagu wareejiyay Guddi farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, si ay usii ambaqaadaan wadahadalada labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa Guddiga farsamo kula dardaarmay in ay keenaan waxa dantu ku jirto iyo waxa ugu dhow ee lagu heshiin karo.

Guddiga farsamo ee DFS ku matalaya shirka Jabuuti

1- Maxamed Cabdi Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

2- Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka

3- Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dastuurka

4- Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee fulinta iyo dib u eegista Dastuurka.

5- Suleymaan Maxamed Axmed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

6- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim

7- Balal Maxamed Cismaan, La-taliye sare iyo Wakiilka Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Geeska Afrika.

Guddiga farsamo ee Somaliland ku matalaya shirka Jabuuti

1- Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibada

2- Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda

3- Maxamuud Xasan Saajin, Wasiirka Ganacsiga

4- Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga

5- Adna Aadan Ismaaciil, La-taliyaha madaxweynaha

6- Cabdifitaax Siciid Axmed, Wakiilka Somaliland ee Jabuuti

7- Mubaarak Ismaaciil Taani, Wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha.

PUNTLAND POST