Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka maalintii labaad Jabuuti uga socda dowladda dhexe iyo Somaliland ayaa guul u rajeeyay Shirkaasi.
Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey ayaa madaxweyne Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirk dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ifafaale shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha uu fidiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wada-hadallada marti-gelinaya.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubnaha Wefdigiisa ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo Soomaalland.
Halkaan ka daawo Khudbaddiisa
PUNTLAND POST