Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah ka furmaya Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe.
Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona Kulanka.
Madaxweyne Deni ayaa laga sugaya in uu soo bandhigo Waxqabadka Xukuumaddiisa ee Mudadii u dhexaysay labada Kalfadhi iyo sidoo kale in uu ka hadlo Arrimaha Siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka Xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah Hannaanka Xisbiyada badan.
PUNTLAND POST