Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Jabuuti ka furmay

Caasimadda Dalka Jabuuti waxaa maanta ka furmay Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo uu martigelinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka waxaa ka qeybg-galaya wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi kale oo uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelin doona Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha Baarlamaanka, wasiirka arrimaha debadda iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa socdaalka ku wehelin doona guddoomiyaha golaha  guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno kale.

Kulanka labada dhinac oo ay fududaysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya, waxa furitaankiisa ku casuman Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed.

Balse, waxaan ilaa iyo haatan si rasmiya u caddayn Ajandaha Kulanka iyo qodobada miiska u saaran dhinacyada kulmaya ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland oo mowqifyo adag kala taagan.

PUNTLAND POST