Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dalkaasi kooxo burcad ah ku dileen muwaaddin Soomaaliyeed, oo halkaas ka ganacsan jiray.
Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali , isaga oo ku sugnaa Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Magalada Cape town.
Maxamed Maalin oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa xaqiijiyay dilkaas,waxaana uu sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Dalka Koonfur Afrika ayaa Bishaan Gudaheeda waxaa lagu dilay qofkii Afaraad oo Soomaali ah,waxaana todobaadkii la soo dhaafay Gudaha dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed Xasan.
PUNTLAND POST