Maxay Jubbaland ka tiri aqoonsiga KMG ee Federaalka?

Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaantay war maanta ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Madaxweyne ku meel gaar ah loo aqoonsaday Axmed Madoobe.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay rumaysan tahay in Dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalku ay qeexayaan hanaanka loo marayo doorashada hay’adaha dowliga ah ee heer dowlad goboleed iyo mudada xil hayntooda.

Dhanka kale Jubbaland waxay xustay in ay soo dhaweynayso oo si buuxda uga qeyb qaadanayso arrimaha masiiriga ah ee doorashooyinka, dhameystirka dib u eegista Dastuurka, la dagaalanka argagixisada iyo barnaamijka deyn cafinta.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland oo dhameystiran.

PUNTLAND POST