Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa mar kale soo saaray Qoraal ku socda Ururada Siyaasadda Puntland oo la xiriira soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta Ururadaas.
Guddiga oo qiimaynaya Xaaladda Xanuunka COVID-19 iyo Mudnaan-siinta Bed-qabka Bulshada ayaa amar ku bixiyay in mudda bil ah dib loo dhigo Shirarka ay Urur Siyaasadeedyadu qabsan lahaayeen oo qayb ka ah dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad Diiwaan-gelinta.
Guddigu wuxuu ku wargeliyay dhammaan Urur Siyaasadeedyada in ay Wakhtiga loo qabtay ku soo dhammaystiraan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta marka laga reebo Qabashada Shirarka oo dib loogu dhigay sababa la xiriira Faafidda Xanuunka Coronavirus.
Sidooo kale Guddigu wuxuu bogaadiyay dadaalka ay muddooyinkii u dambeeyay wadeen Ururada Siyaasadda Puntland oo ku aaddan soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta.
Hoos ka akhriso Qoraalka guddiga

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.