Dowladda Soomaaliya oo Shir ku casuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirkaas ku saabsanyahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu xusay in uu jiro shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba-qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, sida lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST