Dowladda Maraykanka oo bogaadisay Wada-hadallada Dowladda dhexe iyo Somaliland

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay si weyn u bogaadinayso dadaalada ku aadan xoojinta wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele marti gelinta wada xaajoodka labada dhinac.

waxaan gacan ka geysanaynaa oo aan taageeraynaa iskaashi laga sameeyo ka miro dhalinta wadahadalka labada dhinac oo u wanaagsan Soomaaliya,waxaana ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dadaalkaasi“. ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST