Wararka ka imaanayaa Gobolka Jubada Hoose ayaa ku warramayaa in Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar culus ku ekeeyeen Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow ee Gobolkaasi.
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen Saldhiga Kulbiyow ee Ciidamada Militariga Kenya halkaas oo uu ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan faahfaahin laga helin.
Weerarka oo ku bilowday Bumbooyin Al-shababaab ku tureen Saldhigaasi ayaa isu rogay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac kaasi oo saacado halkaas ka socday.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa fiidnimadii Xalay weeraray Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka Degaanka ayaa ku soo warramaya in Rasaas xooggan oo laba dhinac ah laga maqlay Saldhig Ciidamada DANAB ku leeyihiin Degaankaas oo Al-shabaab weerartay balse faahfaahin lagama helin khasaaraha.
PUNTLAND POST