Guddi loo magacaabay isu-keenista Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Waraaq ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddi isu-keena Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si ay uga wadatashadaan qaabka doorasho ee 2020/2021.

Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin.

1. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2. Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile)
3. Cabdi Axmed Dhuxulow
4. Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac
5. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
6. Xuseen Sheekh Maxamuud
7. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
8. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle.
9. Cabdullaahi Cabdi Garuun

Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga tashanayo qaabka doorasho ee 2020/2021.

Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa soo dhaweeyey qaar kamid ah dowlad goboleedyada, balse madaxda sare ee Federaalka ayaa ka hadlin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrimaha doorashada ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in doorashada ay ku dhacdo qof iyo cod, halka Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qabo in ay ku dhacdo qaab ay heshiis ku yihiin dhammaan madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

PUNTLAND POST