Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubaland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubaland ay weerar ku qaadeen degaan u dhow magaalada Dhoobley halkaas oo ay isku urursanayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro fuliyaan.
Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ka warbixiyay dagaalka ayaa sheegay in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen malayshiyaadkii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa islamarkaana ay kala firxadeen.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay hawlgallada sii wadayaan si Al-shabaab looga saaro degaannada ay weli ka joogaan gobolka Jubada hoose iyo dhammaan degaannada dowlad goboleedka Jubaland.
Al-shabaab weli dhankooda war kama soo saarin dagaalka dhexmaray iyaga iyo ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobleey.
PUNTLAND POST