Puntland: Saraakiil Boolis oo shaqo joojin lagu sameeyay

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun, kuwaas oo lagu eedeeyey xadgudug.

Taliye Cabdi Yare oo caawa warhaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa dhacdadaas.

Taliyaha oo cudur-daar ka bixiyey falkaas ayaa tilmaamay in uu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, wuxuuna sheegay uusan ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska.

Taliyaha Booliska Puntland wuxuu xusay in kiiskaas gungaaristiisa marka la gaaro la marin doono wuxuu ku dhammaado oo ah cinqaab ama xeer ciidan.

Labada Taliye ee Jaamac Cismaan Dhalac iyo Cumar Hiirad Kaatun ayaa loo haystaa muuqaal xadgudub ah oo 8 bishan laga duubay dhalinyaro ku caweynaysay bannaanka magaalada Qardho, kaas oo lagu baahiyey baraha bulshada.

PUNTLAND POST





.