Shir lagu heshiisiinayo Laba Beelood oo ka socda Degmada Ceegaag

Cuqaasha Waxgaradka iyo Isimada Sool iyo Cayn ayaa Degmada Ceegaag ee Gobolkaasi Cayn ka wada Gogol Nabadayn ah oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay Halkaasi.

Qaar kamid ah Isimada waaweyn ee Gobollada Sool iyo Cayn ayaa hoggaaminaya Shirka lagu xallinayo Colaadda labada Beelood oo marar kala duwan ku soo noq-noqotay Degaannada Gobolka Cayn.

Ergooyinka Nabadaynta oo ay weheliyaan Ergooyin ka socda Labada Beelood ayaa haatan ku shirsan Degmada Ceegaag waxaana ay ka arrinsanayaan sidii loo dhammayn lahaa Colaadda labada dhinac.

Colaaddaas ayaa dib u soo laabatay todobaadyadii la soo shaafay kadib dilal aanooyin la xiriira oo ka dhacay Degaannada qaarkood.

PUNTLAND POST