
Aadan Faarax Ibraahim oo ka soo jeeda Dowlad Degaanka Soomaalida DDS ayaa shalay loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia.
Guddoomiye Aadan Faarax oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa noqonaya qof kii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee waddanka Ethiopia ka qabta jagadaasi.
Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia oo ka kooban 153 xubnood waxaa laga soo xulaa qowmiyadaha kala duwan iyo gobollada dalka waxaana Soomaalidu ku leedahay 6 xubnood Aqalkaas.
Doorashadiisa ayaa ka dambaysay markii toddobaadkan ay is casishay guddoomiyihii aqalkaasi Keira Ibraahim oo ka biya diidneyd doorashada dib loo dhigay ee dalkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.