Maxaa sabab u ah in Puntland ay soo saarto go’aamo cusub oo Covid-19?

Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortaga Covid-19 oo in dhawaan aan warkiisaa la maqal ayaa caawa soo saaray go’aamo cusub oo la xiriira cudurkaas.

Guddiga ayaa soo saaray go’aamo ay ka mid yihiin, in muddo bil ah degaanada Puntland la geliyey feeljignaan dheeraad ah, in muddo bil ah dib loo dhigay imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare, iyo in la joojiyay kulamadii iyo isu soo baxyadii dadweynaha, si loo xakameeyo Covid-19.

Guddiga ayaa qiray in halista cudurka Covid-19 ay soo laba kaclaysay uuna gaaray degaano horleh, taas oo ay sababtay isu soo baxyo iyo kulamo wadareedyo asbuucyadii u dambeeyay ka dhacay Puntland.

Dhanka kale Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in maalmihii u dambeeyey Covid-19 laga helay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano, kuwaas muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa furitaanka xafiisyada degmooyinka urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH.

Guddiga Covid-19 ee Puntland ayaa tan iyo bishii hore ee Maajo warbixin iyo wacyigalin dadweynaha ka siin xaalada Covid-19 ee degaanada Puntland.

Hoos ka akhriso go’aamada Guddiga

PUNTLAND POST