Intee sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha Soomaaliya?

Duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay sii xirnaan doonaan tan iyo dhammaadka bishan Juun.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay kulan la qaatay Wakiilada diyaaradaha isaga goosha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan shaashado lagu xirayo qaar kamid ah garoomada diyaaradaha oo ilaalinaya badqabka dadweynaha ,sidaas darteedna ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha tan iyo 30-ka bishan Juun.

“Ma jiri doonaan wax duulimaadyo gudaha ilaa laga gaaro 30-ka bishan, waxaan wadnaa shaashado lagu xirayo garoonka Muqdisho, si ay u ilaaliyaan badqabka shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ay shaacisay in 8-da Juun dib loo furaayo duulimaadyada gudaha, si isu socodka gobolada dalka dib ugu soo laabtaan, basle go’aankaas ayaa dib looga laabtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkan si ku meel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus.

PUNTLAND POST