Dowladda Puntland, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay si rasmiya ugu caddaysay, Mowqifkeeda ku aaddan Arrimaha Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.
War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa marka u horraysa looga hadlay halka uu ku dambeeyay, Shirkii Puntland ku casuntay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, iyo sidoo Kale Safarkii Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho si loogu gogol-xaaro Shirkaasi.
Xukuumadda Puntland, waxay sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli ka soo jawaabin Shirkii Gogoshiisa Puntland fidisay, islamarkaana ay ka caga-jiideen booqasho Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho, si looga wada-hadlo qabsoomidda Shirka ay Puntland ku casuntay Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay, in uu fashiliyay Kulamo ay Isgaarsiinta dhanka Internet-ka ku yeesheen, guddi farsamo oo ka shaqaynayay qabsoomidda Shir dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
Guddigaasi Farsamo, ayay Puntland sheegtay in isaga baxday, kadib markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xagal-daacisay Shaqadii loo xil-saaray Guddiga, oo ahayd ka shaqaynta qabsoomidda Shir u dhexeeya heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaas oo looga arrinsado Doorashada 2020/2021.
Dhinaca kale, Puntland waxay soo dhowaysay Baaqa Aqalka Sare ee ku wajahan, in ay Shir wada-tashiya isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashooyinka, balse Puntland waxay ku baaqday in Shirkaasi la qabto ugu dambayn 20-June 2020, ka hor intaan Baarlamanka Soomaaliya dhegaysan warbixinta Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo ku beegan 27-June 2020.
Waxa kale oo Dowladda Puntland caddaysay, in aysan ka qayb geli doonin haddii Shirka Wada-tashiga la qorsheeyo kadib dhegaysiga Warbixinta Guddiga Doorashooyinak Soomaaliya, oo Baarlamanku dhegaysan doono 27-June 2020.
Ugu dambeyntii, Puntland waxay ka digtay in Hannaan Sharciyaysan lagu xalaalaysto Nidaamka Qabiilka ku dhisan ee 4.5 iyo in mudda kororsi ay sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana ay ku baaqday in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dhammaan Saamileeyda Siyaasadda dalka, si looga heshiiyo Tubta loo maray Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka dalka.
Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.