Puntland oo sheegtay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay hoggaaminta dalka

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay ku fashilantay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee loo doortay in ay dalka gaarsiiso sida hirgelinta doorasho qof iyo cod ah dhammaystirka Dastuurka iyo sugidda Amniga Waddanka.

War-saxaafadeed ay Puntland xalay soo saartay oo ku caddaysay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 ayay qodoba kamid ah eedaymo kulul ugu jeedisay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ku fashilmeen hoggaaminta dalka.

Sidoo kale Puntland waxay madaxda dowladda Federaalka ku eedaysay in ay dalka ka wadaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ku jihaysan khalkhal gelinta iyo burburinta dowlad goboleedyada ka dhisan dalka.

Waxa kale oo ay sheegtay in madaxda heer Federaal ay dhaqaalihii waddanka u isticmaalayaan kicinta shacabka ku dhaqan dowlad goboleedyada qaarkood si ay khalkhal geli  amni iyo qalalaase siyaasadeed uga abuurto dowlad goboleedyadaas.

Dhinaca kale Puntland waxay qaaddacday dhammaystirka Dastuurka, diyaarinta Sharciga doorashooyinka dalka iyo dhammaan Shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha heer Federaal kuwaas oo sida Puntland sheegtay aan loo marin hannaankii saxda ahaa.

PUNTLAND POST