Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay ahaa caddeeyay mowqifka Madasha xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashada 2020/2021.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, waxaa ay sheegeen in Madaxda sare ee dalka ay ka gaabiyeen wixii loo igmaday iyo mas’uuliyaddii Qaran ee lagu aaminay, gaar ahaan maareynta marxaladda kala guurka ee doorashooyinka.
Sidoo kale, labada Madaxweyne hore ee dalka, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda in aysan wanaajin mudda ay xilka hayaan xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka, xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan isdhexgalka la sheegay inuu dhexmarayo Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo, ayay sidoo kale ugu baaqeen in uu shacabka horyimaado oo uu u caddeeyo mowqifkiisa, islamarkaana uu faragelinta ka daayo Guddiga doorashada, iyo goloyaasha sharci dejinta.
Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa shaaciyay inay soo dhaweynayaan Qoraalkii kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dalka, kaasi oo dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka loogu baaqay inay Shir Deg deg ah isugu yimaadan si looga hadlay Arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay Doorashada dalka.
PUNTLAND POST