AMISOM oo xaqiijiyay in ay dad Shacab ah ku laayeen Jannaale

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo malayshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM  ayaa lagu sheegay in 8-dii  bishaan June ay Al-shabaab soo weerareen waddo agabka loo mariyo ciidanka AMISOM oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Jannaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.

Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka baxay AMISOM

Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday in ay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka.

PUNTLAND POST