Madaxweyne Lafta Gareen oo deeq lacageed gaarsiiyay askar ku dhaawacantay dagaalka Shabaab

Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur Cabdulcasiia Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad  ku sugan magaalada xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta booqday askar ku dhaawacantay dagaallo dhexmaray Al-shabaab iyo Koonfur Galbeed oo ka dhacay halkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa deeq lacageed gaarsiiyay ciidamada ku dhaawacmay dagaalka Al-shabaab ee uu ku booqday isbitaalka degmada Xuddur ee gobolkaasi Bakool.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta in ay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamada ay ku socoto dib u-habeyn hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur,  sidoo kale isaga iyo wefdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen  dhismooyin kuyaala gudaha xaruunta.

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed  oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’adaha halkaasi ka hawlgala inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira degaanka.

PUNTLAND POST