Puntland oo shaacisay magacyada mas’uuliyiin hore oo ay sheegtay in ay khalkhal gelin wadaan

Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay Ciidamo dhowaan ka soo muuqday baraha bulshada oo sheegay in ay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed ayaa shaaciyay magacyada mas’uuliyiin hore uga tirsanaa Puntland oo haatan ku sugan Gobolka Gardafuu kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen tallaabada ciidankaas ku dhaqaaqeen.

Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa sheegay in Guddoomiyihii hore ee Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo mas’uul kale oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland magaciisana uu ku sheegay Mahad Carcar oo ka caraysann xilal laga qaaday ay abaabuleen ciidanka si ay khalkhal uga abuuraan Gobolka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in askarta hadashay aysan horay uga tirsanayn Ciidamada Puntland balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo uruuriyay oo Degaanka u dhashay kuwaas oo ay abaabuleen mas’uuliyiinta ka caysan xilalka laga qaaday.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST