Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay Warar soo baxay oo sheegayay, in Maamulka Koonfur Galbeed uu is hor-taag ku sameeyay, Wada-hadallo dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa lagu sheegay in warkaasi been abuur yahay, balse ay weli socdaan, Doodo u dhexeeyay guddi ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu u xil-saareen, in ay soo diyaariyaan Ajandaha iyo Goobta lagu qaban doono Shirka Wada-tashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Sidoo kale, War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in weli ay socdaan Falanqeymaha la xiriira Arrimaha Shirkaas, islamarkaana aan weli lagu Heshiin Goorta iyo goobta lagu qaban doono, sidaas darteedna loo baahanyahay in aan Dadka Soomaaliyeed Rajada laga baabi’in, iyadoo Baraha Bulshada loo adeegsanayo Warar been-abuur ah.
Ugu dambayntii, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Maamulka Koonfur Galbeed u taaganyahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo ku dhaqanta Habka Federaalka, Nabad waartana hesha, Lana walaal ah Deriskeeda, islamarkaana Iskaashi Buuxa la leh Caalamka intiisa kale.
Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.