Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in doorashada heer Federaal ay lagama maarmaan tahay in ay kulan wada-tashiya ka yeeshaan dowladda Federaalka dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileeyda siyaasadda dalka.
Guddoomiyaha Aqalka sare Wuxuu sheegay in Kulankaasi wada-tashiga ah uu sahli doono in la isla go’aamiyo in dalka laga qabto doorasho ku dhacda qaab raalli la isaga wada yahay oo loo dhanyahay
“Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, dowladaha xubnahs ka ah dowlsdda federaalka iyo daneenayaasha siyaasadda, si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
PUNTLAND POST