Duqa Qardho oo amray in aan dib loo dhisan karin Guryihii iyo Meheradihii ku dumay Fatahaaddii Qardho

Duqa Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa amar ku bixiyay in aan la dhisan Karin dhammaan Guryihii iyo Meheradihii kale ee ku dumay Daadadkii ka dhacay magaalada Qardho.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Duqa Degmada Qardho ayaa Dadkii Guryaha iyo Meheradaha Daadadku ka burburiyeen lagu amray in aysan dib u dhisan Karin ilaa iyo amar dambe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dib u dhisidda Guryaha iyo Meheradaha dumay loo joojiyay maadaama uu socdo Sahan lagu xaqiijinayo sidii Xal waara loogu heli lahaa Daadadka ku soo fataha magaalada Qardho.

Amarka joojinta ayaa la sheegay in uu ku egyahay mudada la xaqiijinayo Sahanka ku aaddan sida Xal waara loogu heli karo Daadadka ku soo rogmada gudaha Degmada Qardho.

PUNTLAND POST