Qaramada Midoobay oo soo dhowaysay Istiraatijiyada La-dagaallanka Musuq maasuqa ee Soomaaliya

Qaramada Midoobe ayaa soo dhaweeysey talaabadii dhawaan dawladda Federal-ka Soomaaliya u qaaday in ay wax uga qabato musuq-maasuqa.

Golaha wasiirada dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyey Istaratijiyadda Qaran ee la dagaalanka Musuqa, taasi oo looga tala galay in lagula dagaalamo musuq-maasuqa, laguna awood siiyo hay’adaha dawladda, si loo dhiso hab maamul maaliyadeed oo dawli oo cad lehna isla xisaabtan.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaliya,James Swan ayaa sheegay in ay tahay talaab muhiim ah, ayna ku dhiira-gelinayaan in dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo ay ku  xaqiijinayaan dhaqan gelinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa.

Waxa uu intaas ku daray in Qaramada Midoobe ay ku taageerayso dawladda  Soomaaliya hir-gelinta Istaratijiyada Qaran ee ka dhan ka ah Musuq-maasuqa.

PUNTLAND POST