
Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay hawlgall wadajir ah ka fuliyay xaafado kala duwan, oo ka tirsan labada dhinac ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo.
Hawlgalkaas, waxaa si wadajir ah u fuliyay Booliiska labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, oo kaashanaya Ciidamada PSF, PISA iyo kumaandooska DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya qaybtooda ka hawlgala koonfurta Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo, oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in hawlgalkaasi ahaa mid si wadajir ah loogu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo, islamarkaana lagula dagaallamayo malayshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa xaqiijiyay, in dad kala duwan lagu qabtay hawlgalkii xalay, balse ay dib ka faahfaahin doonaan markii baaritaan lagu sameeyo dadka kala duwan, ee la qabtay oo ku eedaysan Al-shabaabnimo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.