Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku maraya Gobolka Karkaar, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble, Qardho.
Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta iyo maamulka gobolka karkaar ayaa kormeeray xerada Ciidamada.
Guddoomiyaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Puntland ee halkaasi Tababarka ku qaadanaya Waxaa Guddoomiyaha uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Tababaraysa ciidamada iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaran dadaalkooda si looga guuleyso cadawga Puntland.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa salaan booqasho ah ugu tagay Qasriga uu Qardho ka degan yahay Boqorka Beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayey Booqashada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.