Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu si farxadleh u soo dhowaynayo sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Sidoo kale wuxuu hay’adaha Garsoorka dalka ka rajeeyay in ay dib u eegaan dacwadda loo haysto weriye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog islamarkaana lagu haystay qoraal uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa habboon in si taxadar leh loo wajaho kiisaska la xiriira wariyeyaasha, la xisaabtankoodana aan marnaba loo adeegsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Cabdinuur.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xorriyadda Saxaafaddu ay kamid tahay Tilmaamaha wanaagsan ee uu yaalan karo dal soo kabanaya oo leh nidaam ku dhisan Dimuqoraaddiyad.

PUNTLAND POST