Al-shabaab oo mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool ee ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerar culus ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Aba loo qiyaastii 18km u jira magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool halkaasna ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa daabacday in dagaalkaas Ciidamada Itoobiya looga dilay ugu yaraan 15 askari oo uu kamid yahay sarkaal derejadiisu tahay  saddex xiddigle  inkastoo aysan xusin magaca sarkaalkaasi.

Al-shabaab waxay sidoo kale tilmaameen in ay waxyeello soo gaarsiiyeen gaadiidka dagaalka ciidamada Itoobiya kuwaas oo u soo gurmaday ciidankii weerarka la kulmay.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii shalay sheegay in ay weerar qaraxyo ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya islamarkaana askar kaga laayeen.

Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya labada jeer midna kama jawaabin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in ay Khasaare gaarsiiyeen dhanka Ciidamada Itoobiya.

PUNTLAND POST