Madaxweyne Qoor Qoor oo shir la qaatay hay’adaha Qaramada Midoobay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya.

 Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay saameynta Xanuunka  safmarka ah ee covid19 ku yeeshay shacabka Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa xanuunkaas gaar ahaanna  saameyntiisa caafimaad iyo tan dhaqaale.

Madaxweynaha Galmudug waxaa shirkaas  ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug oo ay kamid yihiin Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

PUNTLAND POST