Xisbiga Hayaan ayaa kadib markii uu daraasad ka sameeyay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya wuxuu soo saaray Tala-soojeedin ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota.
Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga digay in qalalaase siyaasadeed la geliyo dalka waxaana uu ku baaqay in la qabto doorasho xor ah oo madax-bannaan islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta.
Sidoo kale Xisbiga ayaa soo jeediyay in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay gaaraan heshiis ku meel gaar ah iyagoo u danaynaya baahida loo qabo in isbeddel deg deg ah yimaado.
War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in ay ka tanaasulaan wixii mudda kororsi ah iyagoo u turaya nabadda dadka iyo dalka.
Dhinaca kale Xisbiga ayaa Beesha Caalamka ku boorriyay in ay gogosha wada-hadalka ballaariyaan oo aysan ku kooban madaxda wakhtigoodu gabaabsiga yahay.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.