Xisbiga Hayaan oo bogaadiyay xallinta Kala ra’yi duwanaantii Madaxda sare ee Puntland

Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin

Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin Warsame, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay xallinta kala ra’yi duwanaantii u dhexaysay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan, ayaa lagu bogaadiyay bisaylka Siyaasadeed ee labada mas’uul u muujiyeen Shacabka Puntland iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, maadaama ay ka heshiiyeen Kala aragti duwanaantii dhexdooda ahayd.

“Dabeecadaha hoggaanka fiican bay ka mid tahay in marka ugu danbeysa go’aan la wada qaato oo hal aragti lagu midoobo” ayaa lagu yiri Qoraalka Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga.

Xalka waara waxa uu ka bilowdaa kala aragti duwanaansho, kadibna xalka waxa laga dhex helaa dooda wada-tashiga, isku tanaasulka iyo turxaan-bixinta, halkaas oo go’aan lagu midoobo ama looga danbeeyo hogaanka ugu sareeya” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen xallinta kala aragti duwanaantaasi u dhexaysay Madaxda sare ee Dowladda Puntland.

PUNTLAND POST