Xaaladda Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo laga deyriyay

Waxgaradka ku dhaqan Gobolka Sanaag oo shir ku yeeshay Magaalada Badhan ayaa soo saaray baaq midaysan oo ay Xukuumadda Puntland kaga dalbanayaan in ay caddayso sababta loo joojiyo dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Bayaan ka soo baxay Shirka ayaa lagu sheegay in tan iyo markii Puntland loo doortay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hakad ku yimid dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo islamarkaana Roobabkii halkaasi ka da’ay sababeen in ay burburto intii dhisnayd Wadadaasi.

Waxgaradka ayaa ka dalbaday Dowladda Puntland in ay caddayso sababta loo joojiyay dhismaha Wadadaas oo ahayd Mashruuca ugu muhiimsan ee ka socday Gobolka Sanaag.

Sidoo kale Waxgaradkii Shirka ka hadlay ayaa sheegay in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ay sii burburi doonto Qaybtii dhisnayd ee Wadada taasina laga dhaxli doono Khasaare.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Shirka

PUNTLAND POST