Puntland oo Ra’iisul wasaare Khayre ku taageertay in doorashada wakhtigeeda la qabto

Dowladda  Puntland ayaa soo dhowaysay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muujiyay sida ay uga go’antahay in doorashada madaxtinimada dalku ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay madaxtooyada Garoowe ayaa ku bogaadiyay  Ra’iisul wasaaraha hadalkiisi ku aaddanaa in dalka ay ka dhacdo doorasho wakhtigeeda qabsoonta islamarkaana heshiis lagu wada yahay oo si xasilooni ah u dhacda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadalkaasi Ra’iisul wasaare Khayre uu yahay hadal mug iyo miisaanleh balse u baahan in loo beddelo ficil iyo in laga dhabeeyo sidii doorasho loo dhanyahay oo xasilooni ay dalka uga dhici lahayd.

Balse wuxuu ka digay in la qabto doorasho aysan heshiis ku ahayn dhammaan saamileeyda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya taasi oo uu sheegay in dowladda Puntland aysan marnaba aqbali doonin.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST