Duqa Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan, ayaa warbixin dhammaystiran ka soo saaray, Khasaaraha ka dhashay Daadadkii Magaalada ku fatahay 27-April ee sannadkan 2020.
Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Duqa Degmada Qardho, ayaa lagu sheegay in Daadadkaas ay ku dhinteen sideed qof oo saddex kamid ah ay Carruur ahaayeen, islamarkaan ay ku bara-kaceen dad gaaraya 2600 oo Qoys.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Fatahaaddu saamaysay ilaa 5000 oo guri, kuwaas oo ay ku jiraan 750 guri oo ku dumay Daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 1020 xarumood oo Ganacsi.
Sida warbixinta ku xusan, Khasaaraha guud ee ka dhashay Fatahaaddii Qardho, waxaa lagu qiyaasay 40 Miyan oo Dollar, waxaana ku jira ilaa 50 gaari oo ay Daadadkaasi qaadeen.
Natiijada Qiimayntii lagu sameeyay Khasaaraha gaaray Magaalada Qardho, waxaa ka soo baxay saddex baahiyood oo aas’aasiya, kuwaas oo qaarkood ay deg deg yihiin sida Warbixinta lagu sheegay.
Tan kowaad ayay Warbixintu ku sheegtay, in loo baahanyahay Dib-dhiska guryihii ku dumay Daadadka, halka baahida labaad ay tahay in la maal-geliyo Magaalada, si ay u soo kabato, maadaama %80 Dhaqaalihii Qardho uu ku burburay Fatahaaddii dhacday.
Baahida saddexaad ayaa ah, in la sameeyo Qorshe Xal-waara oo Magaalada Qardho looga moosayo Daadadka, si aysan mar dambe u soo noq-noqon Musiibadii dhacday oo kale.
Ugu dambeyntii, Duqa Degmada Qardho, wuxuu dalbaday Kaalmo Dhaqaale oo wax looga qabto Arrimaha kor ku xusan, inkastoo uusan cid iyo Hay’ad gaar u jeedin Baaqiisa.
Hoos ka akhriso Warbixinta

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.