Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan si loo xalliyo khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee u dhexeeya labada mas’uul.
Isimada iyo Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa Duhurnimada Maanta isku wareysan doona Kulan Qado ah kaasi oo Madaxweynaha looga fadhiyo in uu kaga xog-waramo Arrimaha dhaliyay Khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka si loo dhex-dhexaadiyo.
Isimada iyo Gudoonka Baarlamanka ayaa Sabtidii la kulmay Madaxweyne ku xigeen Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash waxaana ay ka wareysteen Arrimaha ay isku maan-dhaafsan yihiin isaga iyo Madaxweyne Deni.
Waxaase jirtay in laba jeer oo Isimadu doonayeen in ay la kulmaan Madaxweyne Deni ay suurta-geli wayday islamarkaana Maanta oo Isniin ah Madaxweynuhu ballan-qaaday in uu la kulmi doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka si Madaxweynaha markiisa loo dhegaysto.
PUNTLAND POST