Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Kula shirsan Isimadii dhex-dhexaadinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Isniin ah Xarunta Madaxtooyada Kulan Qado ah ugu sameeyay  Isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Madaxweynaha iyo Isimada oo ay Kulanka ku weheliyeen Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa ka wada-hadlaya xal u helidda Khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee ka dhexeeya labada Hoggaamiye ( Deni& Karaash).

Kulanka labada dhinac ayaa weli socda waxaana Madaxweynaha laga dhegaysanaya Qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka ee dhaliyay isfaham-waaga labada mas’uul si xal rasmiya looga gaaro Arrimaha ay ku muransan yihiin.

Warbaahinta Puntland Post waxay saacadaha soo socda idiin soo gudbin doonta wixii ka soo baxa Kulankaasi weli ka socda Xarunta Madaxtooyada ee u dhexeeya Isimada dhex-dhexaadinta iyo Madaxweyne Deni oo ay wehliyaan Guddoonka  Baarlamanka.

PUNTLAND POST