Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19,kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma.
Shirka oo ka qabsoomay Khadka muuqaalka ah ee Internet-ka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Caafimaad ee gobolada dalka gaar ahaan xanuunka COVID-19 iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa degaannada u baahan gurmadka Caafimaad.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu xanuunkaas haleelay loona xakameeyo faafidda COVID-19.
Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay gurmad Caafimaad oo kala duwan ay gaarsiisay Gobolada dalka oo laga helay kiisas kamid ah xanuunka Coronavirus,sida Cadaado, Kismaayo, Jowhar iyo degaanno kale.
PUNTLAND POST