Kulankii Madaxweyne Deni iyo Isimada oo baaqday

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta xarunta Baarlamaanka kula ballansanaa Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa kulankaasi ka cudur-daartay.

Madaxweyne Deni ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka ku wargeliyay in uusan kulanka maanta imaan karin, balse wuxuu ballan-qaaday in uu Isniinta berriya kulan Qado ah Sharaf ah u samayn doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu kulanka berri ku soo bandhigo qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul.

Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Deni uusan Isimada iyo Guddoonka Golaha Wakiilada u sheegin goobta uu ku qaban doono kulankaasi qadada ah.

Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay muranka isaga iyo Madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST