Maxkamad ay leeyihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ka dhisan gobolka Shabeellada hoose ayaa laga soo xigtay in ay xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay saaxirnimo.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee shalay xukunkaasi ka dhacay fagaare ku yaalla degaan hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose.
Al-shabaab ayaa xukunkaasi dilka ah ku fuliyay marxuum Abuukar Xaaji Cumar oo da’diisa lagu sheegay 50-sano jir kadib markii sida ay sheegeen lagu helay dambi saaxirnimo ah
Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in marxuum Abuukar uu si cad u qirtay in uu mudda 5-sannadood ah ku shaqaysanayey tafaaful (sixir) islamarkaana uu dhibaato u gaystay dad badan.
PUNTLAND POST