Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa magacaabay Guddiga Wasaaradaha ee Mashaariicda Xalka waara.
Dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare, ayaa lagu sheegay in Guddigaas oo ka kooban 9 Xubnood ay u xilsaaran isku dubaridka iyo mashaariicda xalka waara, taasi oo qeyb ka ah Xal u helida Biyaha Had iyo jeer ku fataha Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Degaanada Hirshabelle.
Guddiga ayaa ka kooban Wasaaradaha Qorshaynta, Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Biyaha iyo Tamarta, Beeraha iyo Waraabka.
Sidoo kale, Guddiga waxaa ku jira Guddoomiyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Xafiiska Mashaariicda Xalka waara u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.